AFRICAN HEALTH

Information about Coronavirus in Somali

Macluumaad ku saabsan xanuunka korona fayras
Barta internetka Helsenorge.no
Macluumaadkii ugu dambeeyay uguna sugan waxaad ka helaysaa helsenorge.no. Bartan waxaa kale oo aad ka helaysaa xaqiiqda xanuunka, talooyin iyo warbixino ku saabsan calaamadaha lagu garto xanuunka, inta u dhexaysa marka xanuunku qofka ku dhaco illaa inta uu iska dareemayo, hab daawaynta xanuunka, safarrada qofka qaba xanuunka, dhacdooyinka/meelaha laysugu yimaado, iyo tallaabooyinka ka hortagga xanuunka. Warbixinta oo ingiriisi ah waxaad ka helaysaa helsenorge.no
Barta intenetka ee hay´adda caafimaadka (Folkehelseinstituttet) fhi.no
Warbixinaha ugu dambeeya ee ugu sugan marwalba waxaad ka helaysaa baraha internetka ee hay´adda caafimaadka(folkehelseinstituttet). Halkan waxaad ka helaysaa xaqiiqda xanuunka, talooyin iyo warbixino ku saabsan calaamadaha lagu garto xanuunka, inta u dhexaysa marka xanuunku qofka ku dhaco illaa inta uu iska dareemayo(inkubasjonstid), hab daawaynta xanuunka, safarrada qofka qaba xanuunka, meelaha/dhacdooyinka laysugu yimaado, iyo tallaabooyinka ka hortagga xanuunka. Ka hel warbixinaha fhi.no
Telefoonka warbixinaha ee agaasinka caafimaadka (Helsedirektoratet) 815 55 015
Su´aashaada haddaad jawaab u waydo, wac telefoonka warbixinaha ee agaasinka caafimaadka(Helsedirektoratet). Waxaad ka helaysaa jawaabaha su´aalaha guud, sida meelaha uu xanuunku ku faafayo iyo calaamadaha lagu garto xanuunka. Wac telefoonka agaasinka caafimaadka (Helsedirektoratet) 815 55 015 ingiriisi iyo norwiijan keli ayaa laguugu jawaabayaa
Waxa kale oo aad isku dayi kartaa barta https://koronasjekk.no/
Ma iisaga shakisan tahay in aad qaadday xanuunka?
Haddii aad iisaga shakido korona fayraska, waa in aanad tegin ee aad wacdaa dhaktarkaaga(fastlegen) ama xarunta dhakhaatiirta heeganka(legevatk).
Shuruudaha qofka xanuunka laga tijaabinayo
Dadka karanteenada ku jira laga tijaabin maayo xanuunka korona fayrus, mana la xiriirayaan xarumaha caafimaadka haddii aan xanuun hayn. Tijaabinta xanuunka waxaa loogu talagalay dadka xanuunsada qaar iyo shaqaalaha caafimaadka kuwa cunaha iyo dhuumaha naqaska ay xanuunaan.
Halkan ka hel talooyinka ugu dambeeyay ee hay´adda caafimaadka(Folkehelseinstituttet) soo jeedisay (Ogow! norwiijan keliya ayay ku qorantay).
Yaa laga tijaabinayaa korona (covid-19)?
Awood lagu wada tijaabiyo lama hayo dhammaan dadka infakshan kaga dhaco dhuumaha naqaska, dadka inta badanna lagamaba helo cudurka covid-19.
Hay´adda caafimaadka(Folkehelseinstituttet) ayaa go´aamisa shuruudaha tijaabinta xanuunkan. Shuruudaha marba wax baa laga beddeli karaa.
Haddaad buuxiso shuruudaha tijaabinta korona fayras.
Wac dhakhtarkaaga (fastlege)
Dhakhtarkaaga telefoon ama fiidyow(videkonsultasjon) kula xiriir. Haddi karanteeno lagu geliyo korona fayras dartii dhakhtarkaagu wuxuu ku siin karaa warqadda jirrada(sykemelding). Dhakhtarkaaga kala xidhiidh wixii aan ahayn xanuun caawimo degdega u baahan, ha ahaado korona fayras ama xanuun kale.
Waxaad kale oo wici kartaa korona telefoonka dadka Oslo deggan 21802182
Dad badan ayaa soo waca korona telefoonka. Waxa keliya soo wici kara korona telefoonka dadka Oslo degga nee weliba buuxiya shuruudaha korona fayras tijaabinta.
Haddii aad shaqaale caafimaad dadka jirran ku dhowaanaya tahay, kala tasho madaxdaada in loo baahan yahay in lagaa tijaabiyo korona fayras. Shaqaalaha hosbitaallada Oslo uma baahna in ay soo wacaan korona telefoonka, waxaa lagaga tijaabinayaa hosbitaalka ay ka shaqeeyaan.
• Telefoon lambar: 2180 2182 (keliya norwiijan iyo ingiriis)
• Waqtiyada uu furan yahay:
o Maalmaha shaqada, saacadaha 09:00 – 21:00
o Sabtiyada iyo axadaha saacadaha 13:00 – 19:30
Wac xarunta dhakhaatiirta heeganka(legevakten) wixii xanuun caawimo degdega u baahan
Haddii aad jirrato oo aad waydo dhakhtarkaaga joogtada(fastlegen), waxaad wici kartaa xarunta dhakhaatiirta heeganka(legevakta) på telefon 116117.
Waxa keliya oo aad wacaysaa legevakt-aha marka aad caawimo dhakhtar oo degdega u baahato. Waxaa lagu jiraa xilligii qaboobaha, qof kasta oo cunaha iyo dhuumaha naqaska xanuunaa ma aha in uu u maleeyo in korona fayras ku dhacay. Ha tegin dhahtarkaaga/xarunta dhakhaatiirta degdegga (fastlegen/legevakten) adiga oo aan marka hore sii wicin. Haddii caafimaadka iyo naftu khatar galaan wac 113.
Dhammaan iskuullada iyo xannaanooyinka Oslo waa xidhan yihiin
A Dhammaan iskuullada iyo xannaanooyinka Oslo waa xidhan yihiin. Marka koowaad waxay xidhnaan doonaan illaa 13ka abriil 2020 ka. Muddada waa la sii kordhin karaa.
Iskuuladu intii awooddooda ah waxay ardayda duruusta ugu diri doonaan guryaha.
Go´aankani wuxuu khuseeyaa
• Iskuullada hoose
• Iskuullada dhexe
• Iskuullada sare
• Dugsiyada waxbarashada dadka waawayn
• Xannaanooyinka
• Iskuullada qaybaha ardayda lagu hayo xiisadaha ka hor iyo ka dib(Aktivitetsskolen)
Macluumaadka sida aad ula xidhiidhayso waaxda waxbarashada(Utdanningsetaten) (ku qoran norwijan)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *