AFRICAN HEALTH

More travellers need to stay at a quarantine hotel (Somali)

Dawladdu waxay go’aan ku gaartay in dadka dalka soo gelaya ee soo joogay dal ka baxsan EØS/Schengen, ay hoteel karantiil galaan marka ay Norway yimaadaan. Ayada oo aan loo eegayn in safarku ahaa mid lagama maarmaan ah iyo in kale.

-In kasta oo faafidda cudurka ku soo yaraanayso Norway iyo qaar badan oo ka mid ah waddammada Yurub, waxaan haddana aragnaa in ay xaalad halis ah dunida ka taagan tahay. Si loo xaddido halista loogu jiro in cudurku dibedda inooga yimaado ayuu xeerka guud noqonayaa in qof kasta oo Norway ka soo gala dal ka baxsan EØS/Schengen uu karantiilka ku qaato hoteel karantiil, ayay tiri Monica Mæland oo ah wasiirka caddaaladda iyo heeganka.

Wixii hadda ka horreeyay dadka Norway deggan ee ka soo laabta safar lagama maarmaan ah waa laga dhaafi jirey in ay galaan hoteelka karantiilka, oo gurigooda ayay muddada karantiilka ku qaadan kareen. Hadda waxaa karantiilka hoteelka laga dhaafayaa keliya dadka safar lagama maarmaan ah ku tagey waddan ka mid ah dalalka ku jira EØS/Schengen.

Xeer-hoosaadka covid-19 § 5 wax baa laga beddelayaa oo xeerarka u yaalla dadka ka soo safray Bangladesh, Ciraaq, Hindiya, Nebaal iyo Bakistaan ayaa la ballaarinayaa oo wuxuu qabanayaa qof kasta oo ka soo safray dal ka baxsan EØS/Schengen. Waxaa kale oo ayagana la sii adkaynayaa xeerarkii tijaabada la iskaga qaadayo xudduudka ee xeer-hoosaadka covid-19 § 4 d faqradda saddexaad xarfaha g iyo i kuwaas oo ku saabsan diblomaasiyiinta iyo wafdiyada casumaadda ku yimid. Markaa xeer-ka-dhaafiddaan ma khusayso dadka soo joogay dal ka baxsan aagga EØS/Schengen 10 maalmood ka hor intaysan Norway imaan.

-Waxaa muhiim ah in ay degmooyinka Gardermoen u dhow wada shaqeeyaan, oo ay hubiyaan in ay hoteellada karantiilku dadka qaadi karaan, ayay tiri Monica Mæland oo ah wasiirka caddaaladda- iyo heeganka.

Is-beddeladaan waxay dhaqangelayaan axad 9-ka maajo 2021 saacadda 12.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *